­
­

MUXUU KADHIGANYAHAY HAL-KUDHIGGA NABAD&NOLOL EE XUKUUMADDA MD FARMAAJO

By Adan Omar Hirsi - January 11, 2018







Markaan fiirino hal kudhigga Nabad&Nolol waxuu tibaaxayaa ama kakoobanayhay labo erey (compound word) oo mid waliba micno gooni ah iyo sharraxaad badan u baahanyahay, tusaalae ahaan ereyga koobaad waa “NABAD”
Nabad:  nabaddu waa eray noolaha oo dhan aqoon fiican u leeyihiin, hamuun iyo hiloow weyna ay u qabaan, Nabaddu waa “Xaalad degennaansho iyo xasillooni, ayna ka dheertahay qas iyo arga-gax noocuu doono ha ahaadee”, Haddaba nabaddu waa waxkasta oo nafta dejiya, kana bixiya cabsida iyo qalqalka
nafsiyadeed, waxa ay ka soo dhex baxdaa oo helo Bulsho isku kalsoon, isjecel, walaaltinimo iyo wanaag wax ku qaybsada
Colaadda ama amni la’aanta oo ah ereyga aka soo horjeeda nabadda, ayaa waxaa lagu tilmaami karaa in nbadda iyo Colaaddu ay yihiin kuwo aad u da’ wayn, lana kowsaday jiritaanka aadanaha, waayo Baniiadamka waxaa la keenay dunida ayagoo aaminsan nabada, oo aan aqoonin isdilka, dhiigga iyo dagaalka, Waxuuna ahaa qofkii koowaad ee u sabab noqday dilka wiilkii Nabi Aadam (C.S.W) ee dilay walaalkiisii, kadib markii shaydaanka u suureeyay  dhexdoodana ka shaqeeyay, wuxuuna isku tusiyay Cadaw.,Nabi Aadam (C.S.W) Wiilkiisii ee la oran jiray Qaabiil waxuu noqday qofkii koowaad ee qof dilay, weliba waxuu dilay walaalkiis la naas nuugay ee la oran jiray Haabiil.
Hadda ogoow waxa nabada noo diidan waa Shaydaan, hanoogu yimaado qaab banii’aadam ama suuradiisa asaga oo iska soo dhiga baniiaadam, kadibna shar iyo fidno joogta ah naga dhex abuuro, noona diido in aan dareeno macaanka nabada, oo xanbaarsan cabsi la’aan, iyo xasilooni nafsiyadeed ee joogtu ah.,dagaalka ama amni-darrada  oo ah erayga ka soo horjeeda nabada ma dhici la hayn, hadii dadka is heeysta ay wada hadli lahaayeen, isku kalsoonaan lahaayeen, kuna qanci lahayeen dariiqqa toosan ee rabbigeen inoo jideeyay.
Sidoo kale diinteenna ayaa in Abadan nagu adkeesay in la ilaaliyo mabadida amniga iyo nabad galayada bulshada, Alle (S.W) wuxuu na amray in aaan dhammanteen qaadanno diinta Islaamka iyo  mabda’a  nabadda kana fogaanna quraafaadka iyo waddooyinka xun xun ee shayadaan-ka, Alle s.w wuxuu ku yiri Suuradda Al-baqrah aayadda 208,aad.
                                                  (يأيها الذين آمنوا ادخلوا في السلم كافة ولا تتبعوا خطوات الشيطان إنه لكم عدو مبين)
Waxaa kale oo kuusii adkeenayo muhimadd Nabadda ducadii Nabi Ibraahim c,w ee kusoo arortay Qur’aanka kariimka ah uguna duceenayay Makkah in ay noqoto amni iyo nabad , ayaa wuxuu ka hormariyay nicmadda amniga midda quudka ama cuunnada, waayo maba dhadhamayso cuunnadu haddii ay jirta xasillooni darro iyo nabad la’aan.
Waxaa taas kuu sii caddaynaya in diinta Islaamka oo diimaha Ilaahey soo dajiyay lagu soo afjaray uu magaceedu ka yimid erayga Al- islaam, sidoo kalana salaanta aan isku salaamno ay tahay: ASSALAMU CALAYKUM WA RAXMATULLAH.. ) oo dhammaan ku tusayso muhiimadda nabadda.


NOLOL: Guud ahaan nolashu waa inaad fuliso wixii uu rabi ku faray kana harto wixii uu kaa reebay, waana ujeedka nolashan oo dhan waxa ay ku salay-santahay, intaa markii laga helo waxaad ku noolan doonta nolal wanaagsan sida ku cad Suuradda Al-naxli ayaada 96 aad, hadiise lagaa waayo waxaad gali doontaa nolol cariiri ah, sida ku cad aayadda 123 aad ee Suuradda Dhaah. 
Dhanka kale waxaan nolasha ku tilmaami karnaa in ruuxa aadanaha ah uu haysto baad iyo biyo ku filan naftaaduna ay ku qanacsantahay waxa aad heysato.
Qofkasta waxa uu nolasha u yaqaannaa waxa markaa isaga ka maqan oo uu jecelyahay, tusaale ahaan qofka faqiirka ah wuxuu nolasha u yaqaan in uu milyaneer noqdo i.w.m

Waa maxay Xiriirka ka dhaxeeya Nabad iyo Nolol?


Noloshu waxaa dhamaystira Nabadda, waayo nolol nabad la’aan ah waa geed aan miro laahyn, xittaa haddii qofka kaligii haysta nabad oo ay san lahaysan bulshada ku xeeran, waxbo uma tarayso nabaddaas, markaan ka hadalayno nabadda qofka ma ahan oo kali ah in uu ka bad qabo dagaal, balse waa in uu ku nabad yahay noloshiisa, caqiidadiisa, fikirkisa iyo aqoontiisa ama dhaxalka dhulkiisa oo idil, haddabo Nabadda iyo nolosha waa labo shay oo isku tiirsan maranaban aan kala maarmin, Alle s.w markuu na abuurayna uu saldhig nooga dhigay nimcada amniga iyo nabadda, balse markuu aadanuhu ku shukrin waayay nimcadaas uu Alle s.w  ka qaady uguna badalay Amni- darro  iyo gaajo, waxay gacmahooda ku kasbadeen awgeed sida ku cad aayadda 112 ee Suuradda Al-naxli:
(وَضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا قَرْيَةً كَانَتْ آمِنَةً مُّطْمَئِنَّةً يَأْتِيهَا رِزْقُهَا رَغَدًا مِّن كُلِّ مَكَانٍ فَكَفَرَتْ بِأَنْعُمِ اللَّهِ فَأَذَاقَهَا اللَّهُ لِبَاسَ الْجُوعِ وَالْخَوْفِ بِمَا كَانُوا يَصْنَعُونَ)
Sidoo kale markaad dhuuxdo ayadda afaraad ee suuradda QUREYSH, waxad ka fahmayasaa in uu alle ku mnnaystay reer Qureysheed Nabadda iyo Nolosha nooguna sheegay, midda koobaad oo ah in qureysh laga korinayo baahida nololeed (gaajada, faqriga) iyo in lasiinayo nabad iyo amni haddii ay caabudaan Alle  (S.W) oo kali ah.
Hal-kudhigga Nabad & Nolol iyo Mudane Madax-weyne Farmaajo.
Kadib markaad sooo ogaatay macnaha guud iyo xiriirka ka dhaxeeya Nabadda iyo Nolosha ayaynu usoo guda galayaa sababta aan u qoray maqaalkaan oo ah in dad badan aan ka dhex dheehday amaba ani ahaan la I weydiiyay, baraha bulshadana ku faaftay halkudhigaan caanka ka noqday dalka ee ah Nabad&Nolol aya waxaa mudan in aynu isla wada fahamno dhawr su’aalood oo laga yaabo in adigabo aad is waydiiayso ama lagu waydiiyay, su aalahana ayaa waxa ay u dhacayaan sidaan
1- Maxay tahay sababta uu ku doortay MD farmaajo halkudhigaan, mase haleelay magac u bixinta halkudhiggiisa Nabad & Nolol?
2- Miyaan diidanahy hal kudhigga mise waxaan diidanahay waxqabadka ama khaladaddaka ka dhici karo madaxda dawladda markii aan joogno booska dhaliisha?
Haddii aan ku billowno ka jawaabista su’aasha koobaad ee ah Maxay tahay sababta uu ku doortay MD farmaajo halkudhigaan mase haleelay Md Farmaajo halkudhiggiisa Nabada iyo Nolol? Waxaan oran karnaa wuu haleelay waayo Nabadda iyo Nolol waa waxa ay diinteenna ku dhisanatahay oo ah in no- loshu ay kudhisanatahay nabad sida aan horey kusoo xusnay, tan kale in halkudhig la samaysta kudhisan dhanka wanaagga waa wax fiican, in dhabka wanaaga larajeeyo ama (التفاؤل) way ammanatay diinteenna halka ay reebatay in wax labaasaysto (التشاؤم), waxaana tussaale kuugu filan sida uu arsuulka s.cw ooga badali jiray saxaabadiisa magaccyda xun xun ee tilmaamyo xumaanta, waxaa kale oo xasuusataa in dagaalladdi ay qaadi jireen saxaabada ay lahayeen halkudhigyo ka turjumayo in ay guulaystan sida halkudhigga ) (حم لا ينصرون  duullaankii Khandaq iyo kuwa kale oo badan, haddabo Nabad iyo Nolol waa hal kudhig qof walbo oo maqlaa uu ka dheehanayo rajo wanaag iyo iftiin dawaldeed, waana tawfiiq uu Alle haleeshiiyay MD farmaajo iyo xukuumaddiisa oo haddana ay hayaan waddadeedii, iyagoo maalmihii u damabeeyay ay safar dhulka ah ku marayeen gobollada Soomaaliya qaarkood safarkaas oo loogu magac daray Safarkii nabadda, waxaan u rajeenayaynaa in ay ka run sheegaan hal kudhigaas micnaha wayn  xambaarsan.
Waxa kale oo xusid mudan in Soomaalidu macnaha nabadda si fiican u taqaan laakiin ilaalinteeda iyo raadinteeda labadaba waan ku liidannaa, in Soomaalidu macnaha nabadda taqaan taariikhna u leedahay waxaa laga fahmi karaa: erayga ugu horeeya ee qof Soomaali ahi kugu yiraahdo salaanta akadib waa “Nabad ma sheegtay?”  Halkaas waxaa laga fahmi karaa in macnaha nabadda Soomaalidu si fiican u taqaan, welibana baahi weyn oo ay u qabto ama u qabi jirtay, ayaa keentay in lagu xijiyo salaanta kadib  nabad ma sheegtay?, baahidas badan oo loo qabo darted ayuu MD farmaajo oaga fa iiadaystay in  khudbaddiisii musharxnimada xilliyadii ol- olaha in uu adeegsado weedhooyinka kala ah (DANTA, DALKA IYO DADKA, iyadoo dad badan ku dhaliileen ama ay ahayd in uu kahormarsiiyo Diinta oo uu dhah Diinta, danta dadka,iyo dalka, ayaa markii ladoortay waxaa ugu badnaa uu adeegsado ahayd kuna aragno qoraallada baraha bulshada weedhta Nabad & Nolol, oo kulansan karto dhammaan wax walbo oo oo wanaag ah.
Haddaan usoo laabanno Jawaabata Su aasha labaad ee ah:  Miyaan diidanahy hal kudhigga mise waxaan diidanahay waxqabadka ama khaladaddaka ka dhici karo madaxda dawaladda?
Inta badan waxaa lagu kala wareersanyahayh ama la diidanyahy ma ahn halkudhig ee waxaa jira in qofka wax dhaliilayo ama mucaaradyo uu rabo in uu helo cadaalad hadbo sida uu uyaqaanno asaga, haddaba Nabaddu waa miisaanka nolosha waayo nolol ma jirayso haddii nabad la waayo, nabadna ma jirayso haddii caddaalad la waayo. Xaqiiqada noocaan ahi waa mid ay fahmeen ama loo baahan yahay in ay fahmaan dhammaan aadanaha oo dhan gaar ahaan Umadda Soomaliyeed weliba, Ninkii la oranjiray Rev. Martin Luther King, Jr. ee u doodi jiray xuquuqda dadka madow ee Maraykanka ayaa warqad uu ka soo qoray xabsi ku yaallay magaalada Birmingham 16kii April 1963dii wuxuu ku yiri  True peace is not merely the absence of tension, it is the presence of justice” “ Nabadda dhabta ahi ma aha degennaansho la helo oo qura, ee waa caddaaladda oo la helo ”. Oraahdan ama tusaalahani waa xikmad iyo xaqiiqo taariikhi ah oo dhabta ka hadlaysa, una baahan in qof waliba
Haddabo ma jiro qof diidan In lawada helo Nabad iyo Nolol fiican, ee waxaa jira shaydaan insi ama jinni kuu doono ha aahde noo diidan in aynu israacno,qof walibana ku akhrinaayo ama u suuraynayo in uu raacdo danihiisa gaar ahaaneed, kana dul booda danta guud ee umadda, waxaan u rajeenayaa in dadka  soomaliyeed ay hal meel u wada jeestaan kana fogaadaan wax walbo oo u keeni karo khilaaf iyo amni darro, lana taageero cid walbo oo kasaqeenayso nabadda iyo badbaadinta shacabkaan dhibaatada hareesay muddooyin badan.

Fadlan lawadaag asxaabtaada si loo fahmo micnaha asalka ah ee halkudhigga Nabad iyo Nolol.

W/Q: Aadam Cumar Xirsi (Tabaarak)

  • Share:

You Might Also Like

0 comments