­
­

Wax ka baro Dhiganaha “Wax-barashada Qurbaha Iyo Hagaha Ardayga “

By Adan Omar Hirsi - February 21, 2018




Burburkii dawladdi dhexe kadib waxaa meesha ka baxay waxyaabo badan oo ugu horreeyo amniga, waayitaanka amnigana waxaa lagu waaya asaaskii nolosha ee ay lahaan lahayd bulsho, sida goobihii wax-barasho, caafimad, ganacsi, beerihii iyo dhamman khayraadkeenni dabiiciga ahaa ee aan maanta indhaha ka fiirsanyno isagoo layacan, dad shisheeyana ku faaidaan.
Maadaama ay daraasadeennu diiradda saaraysay dhanka waxa-brashada ayaa waxaan luminnay fursadda dib u noolaynta gobihii wax-barasho ee tayasnaa oo sabab u noqon karta, burburka baahsan ee soo gaaray dalka si guud gaar ahaan hay’adihii wax-barashada sida Wasaaraddii wax-barashada iyo tacliinta Sare, maqnaanshaha kaalintii xukuumadda ee ku aaddanaa kormeerka hay’adaha wax-barashada, macallimiinta taba-baran ee aad u yar, kala duwanaanshaha dhinaca manaahijta dugsiyada shaqeeya iyo waddaniyadda iyo aqoonta bii’ada uu ardaygu ku dhex nool yahay oo saamaynteeda leh.

Haddabo sababahaan iyo kuw kale oo badan waxay sababeen in ardayda Soomaaliyeed u hayaamaan dalalka shisheeya si ay uga soo korar sadaan aqoon, ama qaarkoodna ay ubaxaan qaab tahriib.

Qaanuunka Taxakumka (Arbitration Law) waxa uu yiraahdaa “marka aad ka fekerayso suuragalnimada xalinta dhibaatooyinka mustaqbalka waxaa hortaada imaanayo arimo badan”
Waxaan ooga jeedaa marka aan qorayay buuggaan hadafkayga kuma koobneen in aan ka sheekeeyo wax-barashada qurbaha saameenteeda ama xumaanteeda, ee hadaf kaygu waa ka weynaa oo markaan ka fekeray suura-galnimada xallinta dhibaatada guud ee haysata bulshada Soomaaliyeed oo ay oogu yar tahay in aan maarayn la’anahay tayayntii wax-barasahada oo maalin walbo ku bixinayno kharashaad aan ku dhisan karno jaamacado tayaysan oo u dhamaystiranyihiin  dhammaan agabkoodii wax-barasho sida aan ku caddeeyay cutubka saddexaad qaybtiisa labaad, ayaan waxaan go’aansaday in aan ku baraarujiya in ardaydeennu wax ka abarto qurbaha ay sii korortay, sida ay u korortay aqoonta iyo waciga guud ee bulshada Soomaaliyeed, waxaase wali tabayay ama aan isha ku hayay dadkii ka shaqayn lahaa dib usoo celinta tayada wax-barasho, ugana badbaadin lahaa da’yarta Soomaaliyeed ee qaarna kharashaad badan looga qaaato qaab wax-barasho, qaar kalana uu waddada u fadhiya maal aruursade usoo shaqa tagay maalkii umadda Soomaaliyeed.

Si guud buuggan wuxuu isugu jiraa labo hab oo ka mid ah hababka caalamiga ah ee wax lagu baaro marka daraasayn ama cilmi baaris la sameenayo, labadaas hab waxa ay kala yihiin.
1- Qaab Taariikheed) Historical Approach) oo aan uga sheekeeyay taariikhda wax-barashada Soomaaliya iyo heerarkeedii, dalalka ay ardayda Soomaaliyeed wax ka bartaan oo kooban.
 (2) Qaab tilmaameed (Descriptive Method) oo aan  ku caddeeyay  hababka iyo talloobooyinka muhimka ah ee ardayga Soomaaliyeed looga baahan yahay in uu sameeyo xilliga wax-barasahada, iyo xisaabinta qayb kamid ah kharashaadka ku baxo ardayda Soomaaliyeed ee qurbaha wax ku barato.

Dhanka kale daraasaddu ma tibaaxayso isbar-bar dhigga wax-barashada gudaha iyo dibadda ee waxay ku koobantahay wax-barasahada dibadda iyo sida ay ardayda Soomaaliyeed wax uga bartaan.

Haddabo buuggaan waxa aan ugu tala galay  in uu u noqdo  hage ama jiheeya ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka iyo dibadda, waana sababta aan ciwaanka ugu daray “Hagaha Ardayga”, waayo buuggaan mar waa hage ama hanuuniye aan hadlayn, oo waxa uu kuu suureenayaa laga billaabo safarkaada wax-barasho ilaa maalinta aad xidhan doonto koofiyadda farxadda, marna waa bare aan hadlayn oo wuxuu ku barayaa taariikhda waddamada caalamka aad wax ka baran lahayd iyo nolosha qurbaha waxa ay tahay, marna waa xasuusiye oo wuxuu ku xasuusinayaa in aad tahay ubixii dalka, rajadii umadda iyo hoggaamiyihii berrito oo ay ka dhigant ahay “ Nin lagu seexdoow ha seexan”, marna waa ifiye oo wuxuu ifinayaa in aan ka maarmi karno dalal shisheeye haddii aan mideenno fekerkeenna iyo mabaadi’deennaa, kadibna u baddelno ficil muuqda oo ay bulshadu u riyaaqdo.

Ugu dambayn waxaan u qaybiyay buuggaan afar Cutub oo mid kasta lee yahay qaybo gooni ah, tusaale ahaan:
Cutubka koowaad waxaan uga hadlay: wax-barashada, heerarkeeda, iyo muhiimadda ay leedahay, waxa aan ku soo bandhigay cutubkaan,
nidaamka wax-barasho ee dawladdii Soomaaliya, taariikhda wax-barashada Soomaaliya oo kooban, iyo ujeedka macnaha ereyga wax-barasho.
Cutubka labaad waxaan uga hadalay: qurbaha iyo fahamka Islaamka, ujeedka ereyga qurbaha, tilmaamaha ay diinteennu ku tilmaantay dadka qurubada ah iyo noocyada qurbaha.
Curubka saddexad oo ka billaabanaya meesha ay daraasaddu diiradda saaraysay waxa aan si faah-faahsan uga warramay: wax-barashada qurbaha iyo ardayga Soomaaliyeed, sababaha uu ardayga Soomaaliyeed u doorto wax-barashada qurbaha, socdaal-ka safarka ardayga oo aan u qaybiyay saddex qaybood oo kala ah u diyaar garowga aadyga safarka wax-barasho, ka duulista dalka iyo diyaaradda fahamkeeda, imaashaha ardayga waddankii uu u maqsuuday iyo waxyaabaha laga rabo, billaabidda ardayga noloshii wax-barasho iyo tilloobiyinka uu marayo, iyo gabdhaha iyo wax-barashada dibadda (Being a Woman in Abroad).
Cutubka afaraad waxa aan si bayaansan u tibaaxay: waddamada ugu badan ay ardayda Soomaaliyeed wax ka bartaan, waddamadaas oo aan u kala qaybiyay qaaradda Aasiya, afrika iyo waddamada Yurub iyo Ameerika,  aniga oo  mid walbo ka bixiyay taariikh kooban sida, xuduudahooda juqraafi, hidaha iyo dhaqankooda, wax-barashada dalka, sida uu ardayga Soomaaliyeed ku yimaado dal-ka, nolol ahaan inta ardayga Soomaaliyeed ku baxdo, jaamacadaha ugu caansan dalka iyo meelaha ay ku yaallaan, caqabadaha ay la kulmaan ardayda Soomaaliyeed iyo sida ay ku waajihi karaan, ugu dambayn midowga guud ee ardayda Soomaaliyeed leeyihiin dal walbo iyo faa’iidada uu leeyahay midowga iyo isku xirnaantooda.
Qaybta labaad ee cutubka waxa aan ku sheegay fursaddihii aan luminnay, iyo in fursaddu isku kaa sheegin, waxaan tusaale kooban u soo qaatay kharashaadka ku baxo shan waddan oo ka mid ah waddamada ay ardayd soomaaliyeed wax ka bartaan, shantaas waddan waxa aan ku qiyaasay ama an ka soo qabtay in ardaygii biil ahaa u qaato bishii $150, oo ah meesha ugu yar, hadii aan xisaabiyay kadib markii aan helay tirada ardayda ku nool dal walbo waxaa isoo baxaday lacag gaaraysa $41,600,000, waa markii la isku daro bishii iyo sanadkii, waxaase sii dheer in aan ka tagay kharashaadka jaamacadda, laakiin aan xisaabiyay biil kali ah, jawaabta aad bixin doonta ayaa ah lacagtaan waxayba inoo dhisi kartaa jaamacado tayaysan oo u dhamaystiran yahay qalabkeedii oo idil, maxaase u malaysaa haddii aan wada xisaabinno waddamada kale iyo lacagaha jaamacadaha uga baxo ardayga Soomaaliyeed!.
Qaybta saddexaad ee cutubka u dambayso waxay xambaarsantahay uguna warramay: weedha uu aradyga jecelyahay in uu dhagihiisa ku maqlo int aan la oran, waa farxadda qalin baddelashada iyo soo gaba-gabaynta safarkii dheera ee wax-barasho, waxaan ku caddeeyay farqiga u dhaxeeya qalin jabin iyo qalin baddelasho, sidoo kale waxaan ku bayaamiyay tillaabooyinka muhiimka ee ardayga laga rabo in uu qaado si uu mar labaad ugu guulaysto nolosha mustaqbal-ka sida u uga soo guulaystay noloshii wax-barasho(Educational life), waxan kale oon xasuusiyay ardayga in cilmigu dhammaad lahyn ee uu la soconayo noloshiisa oo idil.
Qaybta afaraad waxaan uga warramay sida ay ardayda Soomaaliyeed u sharfanyihiin iyo habdhaqankooda wanaagsan ay ku mutaysteen ammaan iyo dhiira-gelin dadka kale.

Ugu dambayn waxaan ku soo gunaanaday talooyin muhiim u ah dhammaan umadda Soomaaliyeed, oo aan ku xusay madaxda qaranka, culimada Soomaaaliyeed, waalidiinta iyo ardayga oo ah rajadii iyo mustaqbal-ka umadda hadduu wanaagsadana ay iftiin u tahay bulshada.
  Xigasho:  ”Buugga Wax-arashada Qurbaha iyo Hagaha Ardayga”

Taariikda: 21/2/2018

  • Share:

You Might Also Like

0 comments